
Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,kadib markii uu shalay Kismaayo ku soo xidhay, shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ee halkaasi lagu qabtay.
Madaxweynaha ayaa kolkii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe,waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay,madaxweyne ku xigeenka Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey),mas’uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda Puntland,maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.
Mudane. Cabdiweli Maxamed Cali oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka caalamiga ah ee Gen. Maxamed Abshir, ayaa faahfaahin ka bixiyay,shirkii madaxda dowlad goboleedyada ee magaalada Kismaayo,waxaana uu shirkaasi ku tilmaamay”mid si guul ah” ku soo dhammaaday,islamarkaana qodobada ka soo baxay yihiin”guul Soomaaliyeed”.
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sheegay,in haddii mas’uuliyad iyo shaqo la wadaago uu mararka qaar imaanayo,khilaaf iyo is-faham la’aan,balse loo baahanyahay in wixii jira laga wada-xaajoodo,dabadeedna si midaysan loogu adeego danaha dalka iyo dadka.
Halkaan ka daawo hadalkiisa


PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar