PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Kulammo siyaasadeed iska soo horjeeda oo Maanta ka socda Qaybo ka mid ah Muqdisho

Share


Muqdisho (PP) ─
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulammo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay ku lug leeyihiin xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, waxaana arrintan ay timid kaddib markii dhawaan uu burburay mooshin laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka, kasoo la doonayay in xilka looga xayuubiyo.

Xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo kuwii mooshinka ka keenay ayaa kulammo gooni-gooni ah maanta ku leh Xamar, kuwaasoo ay kaga hadlayaana halka ay maraaan siyaasadahooda iska soo horjeeda, sida ay inoo xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan kuwa kulammada leh.

Kulammadan midkood ayaa ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa oo hoy u ah Prof. Jawaari, kulankaas oo lagu casuumay xildhibaanno boqol ka badan kuwaasoo qaarkood ay taageersan yihiin guddoomiyaha halka kuwa kalena taageero looga raadinayo inay moqifkan taageeraan.

Sidoo kale, kulan kaas kasoo horjeeda oo ay leeyihiin xildhibaannada kasoo horjeeda guddoomiye Jawaari ayaa ka dhici doona Hotel SYL oo ku dhaw madaxtooyada, waxaana la sheegayaa in shirkan laga soo abaabulay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daray in kulammadan ay yihiin kuwo xildhibaanadan kala aragtida duwan ay kusoo bandhigayaan awoodooda, inkastoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona.

Dhanka kale, Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari ayaa la rumeysan yahay in xukuumadda ay doorka ug weyn ku leedahay, iyadoo saxiixayaasha mooshinka ay u badnaayeen xildhibaanno wasiiro ah.

Ugu dambeyn, Khilaafkan siyaasadeed ee ka dhex-bilowday xukuumadda iyo baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho hay’adaha dowladda.

PUNTLAND POST

1 comment

  1. AS C SOOMAALIYEEY WAA AYAAN DARRO IN NNAGU AAN DALKEENNA GACMAHEENA KU BURBURINAY HADDANA AAN UMMAD KALE EEDAYNO WAAYO ANNAGAA U FURNAY ALBAABKAY KA SOO KALAYEEN HADDANA U FUDUDAYNAY SIDAY NOO KALA FURFURI LAHAAYEEN QABIIL IYO TUUG NA GADAYA NAFTEEENA IYO DALKEENA OO AAN KU RAACAYNAA QABIIL AMA WAX YAR OO DGUUNI XAARAANA MIDDA KALE WAXAAN ARKAA XILDHIBAANO KA SOO JEEDA GOBOLADA WAQOOYI SOOMAALIYA OO IN MUDDA AH CADAYSTTAY IN AY KA SHAQAYNAYEEN SII FOGAYNTA SOOMAALI WAQOOYI ILAA AAN ARKAYNO MAANTAY IN AY SI CAD OO AAN GABASHA LAHAYN HA HOR SHEEGEEN BAARLAMAANKA DFS IN AY RAALI KA YIHIIN GO;ITAANKA SOOMAALIYEED IYO OGOLAANSHAHA SHARIKADA SHARCI DARADA KU DHISAYSA DAKADEENA BARBERA IYO SALDHIG MILATARI OO AAN LAGALA TASHAN DOWLADA SOOMAALIYEED LANA HORKEENIN BAARLAMAANKA SHARCIGA AH SIDAA DARTEED WAA IN FIIRO GAARA LOO YEESHAA HILDHIBAANADA KEENAY MOOSHINKA LAGU BUBURINAYA QARANKA LAGUNA BEEGAY WAQTIGA XASAASIGA AH OO GO;AAN KA GAARAY GOLAHA SHACABKA CAYRINTA SHIRKADA IMAARAADKA AQALKA SARENA ANSIXIYAY WAA KU TALA GAL AWALBA MADAXDA HARGAYSA WAXAY ORAN JIREEN WAY SHAQO TAGEEN LAAKIIN WAXAA CAD IN AY LABO SHAQO HAYEEN WAA MIDE IN AY NAFTOODA U SHAQO TAGEEN TAN KALE IN U SHAQAYNAYEEN MAAMULKA HARGAYSA SI AY U DAAFACAAN UNA XOG WARAMAAN SIYAASADDA QARANKA WAAYO GACANTAY KU HAYAAN UNA KALA FURFURAAN XILDHIBAANADA MAR KASTA OO AJENDA BAARLAMAANKA HORYAAL SI UUSAN U DHAQAAQIN AMA UU U FULO SIDA AY RABAAN WAA IN LAGA TASHADAA ARRINTAAN WAAYO NAASNUUJINTII WAAN ARAGNAA MEESHA AY MARAYSO IN RAII;SALWASAARE XASAN CALI KHAYRE OO DUBIA KU SUGAN IN LAGU SAXIIXDAY HANTIDEENII MA SHARAF BAA NOO DHOWRAN MAXAASE ITOOPIYA SHARE KA SIIYAY WAXAY KU TUSAYSAA MEESHA AAN IS DHIGNAY WAXAAN KU SOO GAABINAYAA QORMADAN SOOMAALIYEEY DOON BAAN WADA SAARANAYHAY WAX NOO HARAY IN NALA QABSADO OO AAN GALNO GUMAYSI CUSUB HADAYNAAN KA HORTAGIN OO AANAN U MIDOOBIN MOOSHIN DAAYA QABIIL DAAYA MUSUQ DAAYA MAANTAY WAA INAAN DIFAAC GALNAA XAG SHARCIGA SIYAASADDA ADUUNKA XAG QALBI MIDAYSAN XOOG MIDAYSAN DHAQAALAHA OO AAN KU KABNAA DOWLADEEN MOORYAANTA HAYSATA HARGAYSA EE SHACABKII KU XIRATAY XERADA HARGAYSA OO DUMARKII QARAABADOODA SOO SALAAMAY EE KOONFURTA DAGANAA OO WAXAY KA DHISIDOONAAN DARBIGII YUHUUDU KU KALA GOWSAY FALASTIIN WAAYO XUDUUDAAN SOO XIRAYAA MAAHA ARRIN SAHLAN GACAN YUHUUDNA KAMA MAQNA OO ITOOBIYAABA KU JIRTA MEESHA WAAR INDHA HALA FURO CAQLIGUNA HA SHAQEEYO HAY;ADAHA DOWLADDA EE AMNIGA IYO SIYAASADDA FIIRO GAARA HALOO YEESHO WAXAA DHIIGU IGU KACAA MARKAY MOORYAANTA HARGAYSA DHAHAAN DOWLADDA TAAGTA DARAN EE MUQDISHO FADHIDA EE AYADU GUBANAYSA TAAS WAXAY CADAYNAYSAA IN AANAY KA NAXAYN DHIBAATADA HAYSATA SHACABKA SOOMAALIYEED SOOMAALI HAYSATA SIDAA DARTEED WAA IN MEEL LOOGA SOO WADA JEESTAA SIDII AY DOWLADEENU U GUDAN LAHAYD WAAJIBAADKEEDA OO LAGA DAAYAA MAJAHA AAN HAYNO ULANA SHAQAYNAA SI DHOW DHINAC KASTA CANSHUURTA OO AAN BIXINO AMNIGA OO AAN KALA SHAQAYNO MOOSHINKA OO AAN DAYNO HADDII KALE WAXAA LAGA YAABAA GEESKA AFRICA IN NALAKA WAAYO HAYNAAN ISDABA QABAN (SYL)WAA INAAN WADA NOQONAA. WBT

Leave a Reply