War Deg Deg ah oo hadda naga soo gaaraya Gobollka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qarax Miino oo ka dhacay Duleedka Degmada Wanla weeyn ee Goobolka Sh/Hoose ay ku dhinteen wasiir iyo Labo Xildhibaan.
Qaraxaan Miino ayaa waxa uu haleelay Gaari ay wateen Masuuliyiintaan oo ka amba baxay Degmada Wanla Weeyn ee Gobolka Sh/hoose.
Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali Baraf Sidoo kalena ahaa Xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax oo isna katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle.