PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Wada-tashi ah la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir

Share

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Somalia, ayaa kulan wadtashi ah oo ku saabsanaa Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay talooyin ka dhiibteen hawlaha ay Wasaaradda wado.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in wadashaqeyn wanaagsan ay la yelato dhamaan dhinacyada ay hawsha kala dhaxeeyso.

“Markii aan xilka Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aan ku gaarnay abuuridda jawi wadashaqeyn oo aan la yeelanno hay’adaha dawladda ee an shaqo wadagga nahay, waxa aan aas-aasnay Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo sedexdii bilba mar shira waxaana kulamo wadastashi ah la qaadanay madaxda sare ee Dawlad Goboleedyada oo aan ku booqanay Goboladooda. Heshiis wadashaqeyn ayaanu la galnay labada Guddi ee hawsho inaga la dhaxeeyso marwalbana heshiishkaas waanu ilaalineynaa dhankeenna; wadashaqeyn iyo iskuduubni ayay marwalba Wasaaradda ku dedaalaysaa si dib-u-eegista Dastuurka loogu soo gabagabeeyo muddo sanad ah waxaana Gobolka Banaadir dhinacooda ka sugeynaa wadashaqeyn wanaagsan,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale Avv Xoosh isaga oo ka hadlayay muhiimadda Gobolka Banaadir u leeyahay dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri “Sida aad ogtihiin maqaamka Gobolka Banaadir waxaa lagu cadeeynayaa dib-u-eegista Dastuurka ee aan hadda wadno waana muhiim in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay talooyinkooda ku biiriyaan Gedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka”.

Dhankiisa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa Wasaaradda uga mahadnaqay hawsha ballaaran ee ay Qaranka u hayso, si gaar ahna kulanka ay maanta la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna ballanqaaday in gobolku uu Wasaaradda ku garab istaagi doono hawsha ay wado.

Ugu dambayn, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxay talooyin u soo gudbiyeen Wasaaradda.

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Mr. Hosh, Minister of Constitutional Affair, has already wasted four years on cooking the present transitional constitution. He lost much time and money on the enterprise. And the result was a mostly incomprehensible constitution that is full of contradictions. A constitution that cannot be said to have been overseen by a sober person.

    Mr. Hosh tried to study law in Canada, a country which has subsequently withdrawn his attorney license. So, technically it is wrong to call him an attorney or an advocate. He is not.

    Canada, like England, USA, Australia, etc. follows the common law system.

    In Somalia, we inherited the Romano-Germanic system from Italy. Other European countries like France, Germany, Holland, Spain, etc. belong to the Civil Law, ie, Romano-Germanic family.

    Now, the Romano-Germanic family of laws is very different from the common law family.

    A good constitution for Somalia can be prepared by jurists trained in the Civil law system.

    I am afraid Mr. Hosh will again come up with an unintelligible piece of puzzle, and call it a constitution.

    He has already begun laying the foundations for a second failure by beginning to speak about the impossibility of having a constitution before a referendum can be held.

    What he is trying to conceal is that he is expected to oversee the drawing up of a good, understandable, logical transitional constitution that can serve as the basis of the laws of the land untill such time that a referendum can be held in Somalia.
    ===================================================================
    MR. XOOSH, WASIIRKA DASTUURKA, AFAR SANO OO HORE AYAA LAGA SUGAAYAY INUU SOO AGAASIMO DASTUUR.
    WAQTI BADAN IYO LACAG BADAN BUU KHASAARIYAY, NATIIJADIINA WAXAY NOQOTAY DASTUUR AAN LAHEYN MADAX IYO MAJO, DASTUUR AAN LA GARAN KARIN, DASTUUR AAN LAGU SHAQEYN KARIN, DASTUUR ISKA WADA HORIMAANAYA. DASTUUR UUSAN SOO AGAASIMIN RUUX MIYIRKIISA QABA.
    XOOSH WUXUU SHARCIGA KU SOO BAWSADAY DALKA ‘CANADA’. DALKAAS WUXUU KU DHAQMAA SYSTEM-KA LOO YAQAAN “The Common Law legal family.” SYSTEMKAN WAXAA KU DHAQMA WADAMADA INGIRIISKA, CANADA, AUSTRALIA, MAREYKANKA, IYO DALALKA KU JIRA COMMONWEALTH.

    SOMALIA WAXAA KA JIRA OO AY RAACDAA “ROMANO-GERMANIC CIVIL LAW SYSTEM” OO LAGAGA DHAQMO YURUB INTEEDA BADAN, SIDA: FRANCE, GERMANY, ITALY, HOLLAND, SPAIN, IWM.

    ROMANO-GERMANIC SYSTEM (OO LOO YAQAAN CIVIL LAW FAMILY) IYO COMMON LAW-GA AY HAYSATO BAHDA INGIRIISKA WAA LABA SYSTEM OO AAD U KALA GEDDISAN.

    DASTUURKA SOMALIA WAXAA DIYAARIN KARA DAD LAGU SOO ANQARIYAY OO KU XEELDHEER NIDAAMKA AMA SYSTEMKA LOO YAQAAN ROMANO-
    GERMANIC AMABA CIVIL LAW.

    HADDII AAN LAGA GAARIN, XOOSH WUXUU SOO DHABJINAYAA MID LA MID AH AMA KA LIITA KAN ku-meelgaarka ah oo HADDA TAAGAN OO LA GARAN LA’YAHAY MEEL LOO RAACO, DUNIDUNA AY LA YAABBAN TAHAY.

    WADAADKAN WASIIR LA IIGU SHEEGAY, WAXAY KU XANTAAN ISTICMAALA CAANAHA GEELA EE GAALADA.

    MAQANE JOOGANA, DASTUUR LAGU MA HALLEYN KARO.

    FARMAAJANA LOOGA MA FADHIYO INUU ARRINKAN WAX KA
    QABTO OO ISAGII BAABA LA LEEYAHAY WAA UU QAYILAA INTA
    BADAN OO LAGABA YAABEE INUUSANBA WAXAAS OO QAYLA-DHAAN AH WARBA U HAYN.

    BALWADU SAAXIIB BAY DADKA KA DHIGTAA. NINNA MA JECLA INUU SAAXIIBKIIS MARQAANKA KA JIIRO.

Leave a Reply