Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe oo ay maanta la wareegeen Muddo kooban Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegayaan inĀ howlgalo culus ay ka socdaan.
Ciidamadii Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta isaga baxay Magaaldaasi Balcad oo ay saaka la wareegeen kadib markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen.
Goobjoogayaal ku sugan Balcad oo aan la hadalnay ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post in caawa xiisado kacsanaan ah laga dareemayo magaaldaasi.
Waxaa goor hore oo caawa ah istaagay isku socdoka dadka iyo gaadiidka ee magaalda Balcad ciidamada Dowlada ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada iyaga oo howlgalo wada.
Dadka deegaanka ayaa filanwaa la noqotay markii maanta ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen magaaladaasi islamarkaasina Al-Shabaab ay u la wareegeen degmadaasi inkastoo muddo kooban kadib ay isaga baxeen.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho