Al-shabaab laga sifeeyey gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Sarkaal sare oo laga dilay.

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay,Ibraahim Maxamed Nuur ayaa sheegay in sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin lagu dilay hawlgal ciidamada dowladdu ay ku qaadeen degaanka Raaxoole oo hoosyimaada Diinsoor.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalkaasi lagu qabtay ilaa saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab,islamarkaana caddaaladda la horgeyn doono.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay xilli shalay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Al-shabaab gebi ahaanba laga saaray gobolka Shabeellada Dhexe,kadib hawlgallo ballaaran oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen guud ahaan gobolkaasi.

PUNTLAND POST