Shirkaan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen daladda daneeyayaasha aan dowliga ahayn ee PUNSA iyo Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar kamid ah mas’uuliyinta dowladda,ganacsatada,aqoonyahanka,culimada,odayaasha,haweenka iyo dhammaan qaybaha bulshada,waxaana looga hadlay qodobo ay kamid yihiin; sidii magaalada dab-demisyo loogu heli lahaa iyo caqabadaha Dowladda Hoose ee Garowe ka hortaagan hirgelinta adeegyada guud ee bulshadu u baahantahay.
Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay sida lagu gargaari karo qoysaskii ay ka tageen dadkii ku dhintay masiibadii dab ee Garoowe ka kacday 30 bishii tegtay ee Jen,taasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 7 qof tiro kalena ay ku dhaawacantay.
Duqa Caasimadda Garoowe Xassan Maxammed Ciise(Goodir) oo shirkaan furay ayaa sheegay in magaaladu u baahantahay ilaa 4 dab-demis,islamarkaana ay tahay in la iska kaashado sidii lagu soo iibin lahaa dab-demisyada.
Guddoomiyaha daladda daneeyayaasha aan dowliga ahayn ee PUNSA ,Faysal Axmed Warsame(Faysal Qaran) ayaa dhankiisa shirka ka sheegay in isla-xisaabtan loo baahanyahay si loo helo adeegyada bulshada ka maqan,isagoo ku baaqay in afkaarta la soo jeedinaya noqoto mid wax dhisaysa,islamarkaana la-iska ilaaliyo eedaymaha
Talo soo jeedin xalka dhibaayooyinka jira,waxaa la go’aansaday.
1-in la qabto guddi ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada oo soo daraaseeya dhibaayooyinka jira iyo mudnaantooda
2-in la qabto shir weyn ay soo qayb galaan bulshada qaybaheeda kala duwan ,iyo Golaha degaanka Garoowe iyo
3-in loo qareemo qoysaska dadkii dhintay,kuwii dhaawacmay iyo kuwii ku xoolo beelay masiibadii dabka ee Garoowe.
Halkaan ka eeg sawirrada.
