PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Video article CC Sharmaake oo cambaareeyay xariga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Share

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa si xooggan u cambaareeyey xarigga loo gaystay siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur oo habeenkii Axaddii ay xireen ciidamada dawladda Federalka Soomaaliya kadib markay weerareen guri uu degganaa.

Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in siyaasigaasi si degdeg ah loo sii daayo ka dib wareysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee Idaacadda codka Mareykanka VOA.

RW Cumar Cabdirashiid ayaa ku tilmaamay xariga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerar lagu soo qaaday dimuqraadiyadda islamarkaana dalka dib ugu celinaysa 1991-kii.

Dhagayso Cumar Cabdirashiid

https://www.youtube.com/watch?v=9JPQ9rA7FOY&feature=youtu.be

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST

1 comment

  1. CC dhibaatada dawlada ka socon la’dahay ma qayb buu ka yahay, xanina waa jirtaaye, mida hanjabaada in dalku Ku noqonayo 1991kii waa ayo cida u durbaan tumaysaa. Dawladu dagaal culus bay kula jirtaa Al Shabaab, hawla kale iyo horumarinta dalkana dawladu waa Ku hawlan tahay. Sow ma aha marka dawlada ln la taageerto si ay wadanka ugu xorayso qabyaalada iyo argagixisada. Cumar Cabdirshiid inuu dawlada taageero oo la shaqeeyo ayaa Laga sugayey looga a fadhiyey, we inuu kuwa qalaasyada iyo Maja xaabinta dawlada wada ma ahayn inuu soo raaco.

Leave a Reply