Hay’adda GRT ayaa Maanta magaalada garoowe ku qabatay kulan ku saabsan ol-olaha 16 maalmood ee cirib-tirka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka,kaasoo loo qabtay hay’adaha ammaanka iyo bulshada qaybahaheeda kala duwan.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayey sida ugu habboon ee hay’adaha amniga iyo bulshadu uga wada-shaqeyn karaan dabar-goynta dhammaan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.
Madaxa Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta ee hay’adda GRT Muxubo Siciid Maxamuud oo kulanka hadalka ka jeedisay ayaa ka warbixisay dadaalka dheer ee GRT ugu jirto cirib-tirka dhammaan noocyada dhibaatooyinka loo geysto haweenka,waxayna bulshada ugu baaqday in meel looga soo wada-jeesto kuwa tacaddiyada kula kaca dumarka.
Cabdirashiid Cadceed Geelle oo u hadlay dhinaca hay’adaha amniga ayaa bulshada ka codsaday in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan ka hortagga iyo cirib-tirka tacaddiyada haweenka,taasoo uu ku tilmaamay sida keliyah ee wax looga qaban karo tacaddiyadaas.
Xaliimo Cabdulqaadir Barre oo dowladda hoose ee Garoowe u qaabilsan arrimaha bulshada ayaa bogaadisay dadaalka ha’yadda GRT ugu jirto cirib-tirka tacaddiyada haweeenka,iyadoo ka qayb galayaasha ku boorrisay in ay taageeraan dadaalkaas.
Hay’adda GRT ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn uga shaqeynaysay cirib-tirka dhibaatooyinka loo geysto haweenka,waxayna kulamo badan oo arrintaan ku saabsan horay ugu qabatay qaar kamid ah magaalooyinka Puntland.
sawirada kulanka






























































PUNTLAND POST