Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ma u midoobi doonaan Dagaalka Al-shabaab?

Dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar ku qaaday Huteel Naasa-hablood 2 oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir,waxaana weerarkaasi ku bilowday gaari miinaysan oo lagu qarxiyey albaabka hore ee Huteelka,sida ay sheegeen ha’adaha amniga Soomaaliya.

Daqiiqado kadib qarax kale ayaa ka dhacay nawaaxiga Huteelka,kaasoo la aaminsanyahay in uu ka dhashay gaar qaraxyo siday. Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa galay Huteelka,kuwaasoo in ka badan 11 saac dagaal kula jiray ciidamada dowladda Soomaaliya,hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo af-jartay weerarkaasi arroornimadii hore ee saaka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis xildhimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ay gebi ahaanba soo af-jareen weerarka,sidoo kale la soo qabtay saddex kamid ah 5 qof ee weerarka soo qaaday.

Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas,laakiin kooxaha gurmadka deg degga ah iyo saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyey dhimashada in ugu yaraan 25 qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin iyo dhaawaca in ka badan 40 ruux oo kale.

Mas’uuliinta ku dhintay waxaa kamid ah wasiirkii Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxammed , Xildhinaan Hore C/naasir Gaarrane iyo Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax) oo ahaa taliyihii ciidanka Booliiska degmada deyniile,sida uu sheegay sarkaal u hadlay Booliiska soomaaliya.

Dhinaca kale Idaacadda Radio Muqdisho ayaa ku warrantay in la soo badbaadiyey dad kale oo ay ku jiraan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow iyo Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta Ciidamada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay qaraxa,wuxuuna ku tilmaamay mid Al-shabaab ku cabsi gelinayso shacabka Soomaaliyeed oo ay midaysay musiibadii Soobe,sidoo kalena wuxuu sheegay in aanay niyad-jebin doonin falalka noocaas oo kale ah.

“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka“ayuu Yiri Farmaajo.

Qaar kamid ah dalalka Caalamka oo ay ku jiraan Turkiga,Qadar,Sacuudiga,Kuweyt iyo Maraykanka ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxyada lagu qaaday huteel Naasa-hablood 2,waxayna tacsi u soo direen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeeed.

Weerarkaan ayaa ku soo beegmay labo todobaad kadib qarax lagu hoobtay oo Muqdisho ku dilay ugu yaraan 358 ruux oo shacab,boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen,kaasoo lagu tilmaamay qaraxii argagixiso ee ugu khasaaraha badnaa taariikhda Soomaliya,islamarkaana dowladda Soomaaliya ku eedaysay Al-shabaab,inkastoo aanay jirin cid sheegatay.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada ,waxayna ka arrinsanayaan amniga dalka,iyadoo la filayo in ay saacadaha soo socda go’aanno soo saaraan,sida aan xogta ku helnay.

Dhinaca kale waxaa haatan magaalada Muqdisho ka socda shir u dhexeeya madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyad,waxaana ajendayaasha shirkaasi kamid ah dagaalka Al-shabaab,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee(SONNA).

Madaxda shiraysa ma u midoobi doonaan dagaalka Al-shabaab?

shirka ka socda magaalada Muqdisho,waxaa ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo ballamiyey dhammaan madaxda maamul goboleedyada,si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya madaxda Qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada oo arrimaha qaar isku maan dhaafsan,balse waxaa sidoo kale ajendaha lagu soo daray dagaalk Al-shabaab.

Khubarada Siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan“in haddii la dhammeeyo khilaafka labada dhinac ay markaasi fududaan doonto in dagaal midaysan lagu qaado Al-shabaab“,iyadoo maadxweyne Farmaajo dhowaanahanba taageero u raadinayey dagaal cusub oo saf ballaaran ah,kaasoo Al-shabaab lagu qaadayo.

Farmaajo ayaa booqday qaar kamid ah dalalka gobolka oo Soomaaliya ciidamo ka joogaan,halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda ugu sarreysa,islamarkaana uu kala hadlay dagaalka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar