
Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed cali ayaa Maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 40 aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo ay ka soo qayb galeen Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya,xubno ka socday golaha wasiirada Federaalka iyo maamulgoboleedyada,Wakiilada Caalamka,isimo,Ururadda bulshada rayidka ah, iyo culimaa’udiin.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo khudbad dheer ka jeediyey furitaankii kal-fadhiga ,ayaa ka warbixiyey waxqabadkii xukuumadda ee mudadii u dhexaysay 2 kal-fadhi ee afarta bilood ahayd.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay shaqooyin kooban qabatay mudadaasi,maadaama sida uu sheegay ay wakhti yar tahay,wuxuuna mid-mid u soo qaatay dhammaan shaqooyinkii ay ka qabteen arrimha Amniga,dhiirri-gelinta Ganacsiga,dhismahaya kaabayaasha Dhaqaalaha,Siyaasadda,Kor u qaadista Iskaashiga caalamiga ah iyo isku-xirka heerarka Federaalka.
Xaaladda Ammaanka Puntland.
Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in guud ahaan xaaladda amni ee Puntland ay deggantahay,laakiin mararka qaarkood ay dhacaan qaraxyo iyo weerarro argagixiso oo lagu qaado meela qaar,taasoo uu tilmaamay in Puntland ay Soomaaliya inteeda kale la wadaagto.
“Mudanayaal.sida aad wada ogsoontihiin,guud ahaan xaaladda amni ee Puntland bilihii July August Sep iyo October 2017,waa wanaagsan yahay, waana dega’neyd,hase yeeshee maadaama Puntland ay kamid tahay dal weynaha Soomaaliya,waxaa mararka qaarkood dhacda,falal fuleynimo iyo gaadmo ah oo ay geystaan kooxaha argagixisada ah ee Shabaab iyo Daacish iyo huwantooda,waxaana kamid ah qaraxyadii la qabtay dagaalkii Af-urur iyo gaadmadii Control-ka Boosaaso”,ayuu yiri Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in dowladda Puntland ay amar ku bixisay in la’ baaro dhammaan gaadiidka soo galaya Puntland,sidoo kalena ay samaysay isku-xirka Booliiska iyo shacabka oo laga hirgeliyey degmooyinka Boosaaso,Qardho,Gaalkacyo iyo Garoowe,islamarkaana la’ diyaariyey qorshaha Booliiska Puntland ee 10 sano ee soo socda,lana furay shaybaar lagu baarayo ‘hidda sidaha'(DNA),si ay hay’adaha amniga uga saaciddo sugidda xogta denbiilayaasha.
“Mudanayaal. waxay dowladdu amartay in hay’adaha amniga ay adkeeyaan ilaalinta xeebaha Puntland,taasoo suura-gelisay in 23 bishii sagaalaad 2017 la qabto doonni sidday hub,waxayna dowladdu fartay hay’adaha amniga hubinta iyo baaridda gaadiidka soo galaya xuduudaha Puntland. waxay dowladdu samaysay qorshaha isku-xirka saldhigyada iyo xaafadaha ee loo yaqaanno Community policism oo laga hirgeliyey degmooyinka Boosaaso,Qardho,Gaalkacyo iyo Garoowe,taasoo looga golleeyahay xoojinta xiriirka Booliiska iyo shacabka,waxaana la’ diyaariyey qorshaha Booliiska Puntland ee 10 sano ee soo socda.Waxay dowladdu keentay shaybaar lagu baarayo dhiigga iyo unugyadiisa(DNA),laguna rakibay caasimadda Puntland ee Garoowe,wuxuuna ciidamada CID-da ka caawin doonaa denbi-baarista iyo sugidda xogta denbiilayaasha” ,ayuu yiri Cabdiweli Gaas.
Arrimaha Bulshada.
Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay hirgelisay tiro-koobka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland iyo dhammaan hay’adaha dowladda ee sagaalka gobol,sidoo kalena ay hirgelisay siyaadaha;haynta shaqaalaha,anshaxa shaqaalaha,hawlgabka shaqaalaha, ku-habboonaanta shaqaalaha,horumarinta xirfadaha shaqaalaha,hagidda iyo diyaarinta shaqaalaha, iyo siyaasadda kala-astaynta shaqooyinka hay’adaha dowliga ah,kuwaasoo dhowaan la horkeni doono golayaasha dowladda si loo meel mariyo.
Ciyaaraha.
Madaxweyne Gaas ma sheegin waxqabadka xukuumadda ee dhinaca ciyaaraha,laakiin wuxuu caddeeyey in xulka Puntland uu ka qayb gelayo tartanka kubadda cagta Dowlad Goboleedyada Dalka ee dhowaan ka furmaya magaalada Kismaayo.
“Mudanayaal.Waxaa xulka kubadda Cagta ee Puntland loo xereeyay tartanka Kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya,wuxuuna Isboortiga Puntland hormod u yahay ciyaaraha Soomaaliya”,ayuu yiri.
Caafimaadka.
Gaas ayaa sheegay in xukuumaddiisu daah-furtay barnaamijyo caafimaad oo as-aasi ah,kuwaasoo laga hirgeliyey gobollada Bari,Gardafuu,Karkaar,Nugaal iyo Mudug,sidoo kalena dib loo hawlgeliyey 19 xarumo caafimaad oo ku kala yaalla gobollada;Sool iyo Sanaag,halkaasi laga shaqaalaysiiyey 176 xirfadle,islamarkaana la’ xarig-jaray xaruntii ugu horreysay ee lagu dabiibo dadka la-nool qaaxada adkaysiga u leh dawoyinka.
Wuxuu tilmaamay in afartii bilood ee la soo dhaafay,HIV/AIDS laga baaray dad gaaraya 2860 qof,iyadoo 41 bukaan oo kamid ah dadkaas laga helay cudurka,kuwaasoo 38 kamid ah ay u bilaabatay daweyntii.
“Muddadii afartii bilood ee u dambaysay,waxaa laga baaray HIV/AIDS 2860 qof,waxaana cudurka laga helay 41 bukaan oo 38 kamid ah ay u bilaabatay daawadii“,ayuu yiri Gaas.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay musiibadii qarax ee magaalada Mogadishu,taasoo ay ku dhinteen in ka badan 350 ruux oo rayid ah,wuxuuna sheegay in xukuumadda Puntland iyo shacabkeedu ay aad uga murugoodeen,islamarkaana ay wasaaradda caafimaadka Puntland ka qayb qaadatay gurmadkii loo sameeyey walaalaha Soomaaliyeed ee lagu waxyeelleeyay falkaasi.
waxbarashada.
Madaxweyne Gaas oo ka warbinayey waxqabadka dhinaca waxbarashada ee Puntland,ayaa sheegay in la’ dejiyey qorshaha waxbarashada Puntland ee 5 sano ee soo socota 2017/2021,iyadoo xukuumaddu deeqwaxbarasho siisay 400 oo arday,sannad-dugsiyeedkii 2016/217,deeqdaasi oo gudaha iyo debaddaba isugu jirta.
Gaas aya sidoo kale tilmaamay in sannadkaan 2650 arday oo danyar ah waxbarashada laga bixinayo,kuwaasoo ku jira dugsiyada hoose/dhexe ee Puntland,loona taba-baray 1500 oo macallin,islamarkaana uu gebo-gabo marayo muqarrarka dugsiyada farsamada gacanta. Barnaamijyadan ayaa qayb ka ah mashruuca xoojinta waxbarashada oo ay Puntland ka tageerayaan ururada ku bahoobay Global Partnership For Education,sida uu madaxweynuhu caddeeyey.
kalluumeysiga.
Wuxuu sheegay in dowladdu sahamin ku samaysay degaannada xeebta ah ee Puntland,si looga sameeyo marsooyin yaryar,sidoo kalena wax ka-baddel lagu sameeyey sharciyada iyo siyaasadaha kalluumeysiga,islamarkaana la’ diyaariyey qalabkii iyo gaadiidkii lagula dagaallami lahaa kalluumaysiga sharci-darrada ah,iyadoo warshadaha kalluunka ee degaannada Puntland loo sameeyey qaab cusub oo cad-ceedda ku shaqeeya,sida uu hadalka u dhigay Gaas.
Ganacsiga.
madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaradda Ganacsiga Puntland ay heshiis ku saabsan maal-gelinta warshadaha yaryar ay la gashay shirkadda SOM China,sidoo kalena ay xukuumaddiisu hirgelisay hannaanka tyo-dhowrka oo lagu baarayo badeecadaha soo gelaya degaannada Puntland ee debadda laga keenayo.
Inkastoo aanu faahfaahin ka bixin,haddana wuxuu tilmaamay in shirkado laga leeyahay Denmark iyo China ay la’ geshay xukuumaddisu heshiisyo ku saabsan horumarinta nidaamka korontada Puntland.
Garoomada.
Wuxuu ku bilaabay in garoonka Garoowe uu haatan gebo-gabo marayo,kaasoo dhowaan la’ xarig-jarayo,halka garoonka Boosaaso ay mar horeba ka bilowdeen duullimadyo heer caalami ah sida uu tilmaamay madaxweyne Gaas .Dhanka kale garoonka Gaalkacyo ayuu sheegay in mar dhow dhismihiisu bilaaban doono.
Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.
Madaxweyne Gaas wuxuu si kooban u tilmaamay in xukuumaddiisu hirgelisay xeerka nidaaminta dhulka ee magaalooyinka fidaya,kaasoo dhowaan la ansixin doono.
Arrimaha Gudaha.
Mar uu ka hadlayey waxqabadka Arrimaha Gudaha,ayuu sheegay in haatan ay socdaan dhismaha 11 waddo oo laga hirgelinayo magaalooyinka,Garoowe,Gaalkacyo,Eyl,Boosaaso,Qardho iyo Beyla,sidoo kalena 32 mashruuc laga fulinayo sannadkaan 7 degmo oo ka tirsan Puntland,mashruucyadaas oo isugu jira waddooyin shub ah,suuqyo iyo xarumo bulsho,iyadoo dib-u habayn lagu sameeyay siyaasadda maamul baaahinta Puntland.
Maaliyadd.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ku guulaysatay mushahar-siinta 2117 macalin oo ku sugan dhammaan gobollada Puntland,iyadoo si weyn loo hormariyey hannaanka maaliyadda Puntland lana dhisay xarumo waaweyn oo ay leedahay wasaaradda maaliyada Puntland.
Xannaanada Xoolaha Degaanka iyo Beeraha.
3 malyan oo neef,ayuu sheegay in laga tallaalay cudurrada jadeecada iyo furuqa saddexdii bilood ee la soo dhaafay dhammaan gobollada Puntland,iayadoo la’ dejiyey siyaasadda caafimaadka xoolaha sannadka 2018/2020,sidoo kalena la’ diyaariyey xeerka lagu maamulayo maxjarka Puntland.
Dhinaca beeraha ayuu madaxweyne Gaas tilmaamay in la’ taba-baray 5000 oo qof oo loo carbiyey tayeynta tabcashada beeraha.
Mar uu ka hadlayey Arrimaha Qorshaynta,ayuu sheegay in Puntland 19 mashruuc ka heshay beesha caalamka,taasoo lagu kala hagaajay wasaaradihii hoggaaminayey mashruucyadaasi,sidoo kalena la dhammaystiray qorshaha sahanka arrimaha bulshada iyo caafimaadka.
Arrimaha Haweenka.
Wuxuu sheegay in la sameeyey dhismayaal ay leedahay wasaaradda iyo xarumo ay ku shaqeeyaan waaxaheeda kala duwan,gaar ahaanna wasaaraddu ay sagaalka gobol ee Puntland ka hirgelisay xarumo ay leedahay.
Arrimaha federaalka.
Madaxweyne Gaas ayaa khudbaddiisa ku soo qaaday Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee dhowaan lagu aas-asay magaalada Kismaayo,wuxuuna sheegay in dastuurka Soomaliya ay u cuskadeen Golahaasi oo uu ku tilmaamay“mid iskaashi”,maadaa sida uu hadalka u dhigay dalka badankisa ay maamulgoboleedyadu maamulaan.
Dhimaca kale dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeyay in ay ka shaqaynayso waxaan dadka iyo dalka midna dan ugu jirin,sidaasi darteedna wuxu mar kale ku celiyey in Golaha Iskaashiga ee uu madaxda ka yahay,ay hakiyeen wada-shaqeyntii dhinaca dhammaystirka dastuurka ee ay la wadeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,inta laga saxayo hannaanka wax u socdaan.
Gaas wuxuu soo jeediyey in dowladda Soomaaliya ay wada-tashi kala samayso maamulgoboleedyada arrimaha masiiriga ah ee dalka,si loo ilaaliyo midnimada dalka.
Sawirada Kal-fadhiga.

















PUNTLANDPOST
Cbadiraxmaan Ciise Cumar