Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furmay tababar soconaya mudo labo cisho ah oo la siinayo wariyeyaasha ka howlgala Waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo, tababarkaan ayaa ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta saxafiyiinta magaalada Gaalkacyo ee dhinacyada kasoo waramida Meelaha Xasaasiga ah, ilaalinta anshaxa saxaafada iyo sidii wariyeyaasha magaalada Gaalkacyo ay qayb uga qaadan lahaayeen hormarinta iyo nabadaynta magaalada Gaalkacyo.
Tababarkaan waxaa soo qaban qaabiyey maamulada heer degmo ee magaalada Gaalkacyo u qaabilsan Puntland iyo Galmudug oo iskaashanaya waxaana furitaankii tababarkaas kasoo qaybgalay Gudoomiyeyaasha heer degmo ee labada dhinac iyo khuburo Warbaahineed kuwaas oo wariyeyaasha kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan casharada la bixin doono.
Wuxuu qorshuhu yahay inuu qeyb ka qaato sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka iyo waayo aragnimada Wariyeyaasha magaalada Gaalkacyo islamarkaana siday fahmad dheeriya ugu yeelan lahaayeen kasoo waramida xaaladaha Cakiran iyadoo laga fogaanayo in xasaradaha lasii kiciyo, kor u qaadista doorka saxaafada ee Nabada,Ilaalinta shuruucda iyo Anshaxa saxaafada iyo ka qaygalka wariyeyaasha Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo ee xasiloonida iyo nabadaynta magaalada Gaalkacyo.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST