
Warbaahinta Turkiga ayaa soo werisay in weerar dhanka cirka ah militariga Turkigu ay ku qaadeen magaalada Idlib ee ku taalla Waqooyiga galbeed ee Suuriya subaxnimadii hore ee Axadda,waxaana duqayntaan qayb ka tahay guluf cusub oo uu shalay ku dhawaaqay madaxweyne Erdogan,kaasoo magaalada looga saarayo mintidiinta Tahrir al-Sham ee ka tirsan urur weynaha Al-qaeda,balse faahfaahin lagama hayo khasaaraha duqayntaasi ka dhashay.
Sidoo kale Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in wefdi sahmin ah, oo ka socda dalka Turkiga ay gaareeen degaanno ka tirsan gobolka Idlib,waxaana wefdiga oo ka kooban saraakiil militari ay qiimaynayan xaaladda dagaalka,iyagoo xaddidaya goobo cusub oo militariga Turkiga ay fariiso ka samaysanayan gudaha Suuriya. Dhinaca kale Wakaadda Wararka Reuters ayaa ka soo xigatay dadka ku nool degaannada xuduudka labada dhinac, in ay arkeen gawaarida dagaalka Turkiga oo ka tallaabaya xadka,inkastoo aan la xaqiijin halka ay si gaar ah ugu socdeen.
Dhinaca kale mintidiinta Tahrir al-Sham ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay beegsadeen mid kamid ah gawaarida gaashaaman ee militariga Turkiga oo xadka tallaabayey,islamarkaana ay burburiyeen dhufays ciidanka Turkiga ay ka dhisteen degaanka Baba-alhawa ee xadka ku yaalla,laakiin ma jirto cid ka madax-bannaan oo xaqiijisay warkaasi.
Wakaaladda Reuters ayaa goobjoogayaal ka soo xigatay in militariga Turkiga iyo Tahrir al-Sham ay rasaas ku dhexmartay tuulada Kafr Lusin oo ka tirsan gobolka Idlib,hayeeshe ma xusin khasaaraha ka dhashay is-rasaasaynta.Sidoo kale hay’adda korka kala socota colaadda Suuriya ee the Syrian Observatory for Human Rights ayaa xaqiijisay warkaasi.
Madxaweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sabtidii shalay sheegay in ciidanka mucaaradka Suuriya ee Free Syrian Army oo taageero ka helaya militariga Turkiga iyo Ruushka ay hawlgal ballaaran ka bilaabeen gobolka Idlib ee ku yaalla Waqooyiga galbeed ee dalka Suuriya,hawlgalkaasi oo lagu beegsanayo degaannada ay gobolka ka joogaan mintidiinta Tahrir al-Sham.
Hadal uu ka jeediyey shirweynaha 26 aad Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta ee uu ka tirsan yahay,ayuu Erdogan ka shaaciyey hawlgalkaan,balse wuxuu caddeeyey inaan ciidanka Turkiga gudaha u gali doonin degaannadaasi,taasoo khilaafsan warka haatan soo baxay.
“Waxaan qaadi doonaa tallaabooyin cusub oo lagu xasilinayo gobolka Idlib,Tusaale ahaan, maanta waxaa hawlgal ballaaran ka socdaa gobolka,waana sii socon doonaa. Ma rabno inaan walaalaheen cidlo uga tagno.Waxaan u fidin doonna gacan walaalnimo,waana tan haatanba socota kaalmadaasi,waana sii socon doontaa.Ma aqbali doono in xuduudka dheer ee aan la wadaagno Suuriya loo baddelo dhufays argagixiso”,ayuu yiri Erdogan.
Wuxuu sheegay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay duqayn xooggan ka ku beegsanayan mintidiinta ku sugan gobolka,taasoo awood u siinaysa ciidank xorta ah ee mucaaradka Suuriya in ay horay ugu siqaan degaannada ay ku sugan yihiin mintidiinta Tahrir al-Sham oo ka tirsan Al-qaeda.
War ka soo baxay sabtidii shalay Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa lagu sheegay in Maraykanku si buuxda u taageersan yahay hawlgalka uu ku dhawaaqaty madaxweyne Erdogan.
PUNTLANDPOST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar