
Madxaweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sabtida maanta ah sheegay in ciidanka mucaaradka Suuriya ee Free Syrian Army oo taageero ka helaya militariga Turkiga iyo Ruushka ay hawlgal ballaaran ka bilaabeen gobolka Idlib ee ku yaalla Waqooyiga galbeed ee dalka Suuriya,hawlgalkaasi oo lagu beegsanayo degaannada ay gobolka ka joogaan mintidiinta Tahrir al-Sham.
Hadal uu ka jeediyey shirweynaha 26 aad Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta ee uu ka tirsan yahay,ayuu Erdogan ka shaaciyey hawlgalkaan,balse wuxuu caddeeyey inaan ciidanka Turkiga gudaha u gali doonin degaannadaasi.goobaha hawlgalkaan beegsanayo oo ay maamulaan mintidiinta,ayaa waxaa ku sugan kumanaan ku baro-baxay colaadda Suuriya,iyadoo hay’adaha gargaarku ka dayriyeen xaaladooda,islamarkaana ay ka digeen in masiibo banii’adantinimo ka dhalan karta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin cusub oo lagu xasilinayo gobolka Idlib ee dalka Suuriya,si kaalmo loo gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku go’doonsan gobolka oo dhibaato bani’aadanimo haysato,loona sugo amniga xadka dheer ee Turkigu la wadaago gobolkaasi.
“Waxaan qaadi doonaa tallaabooyin cusub oo lagu xasilinayo gobolka Idlib,Tusaale ahaan, maanta waxaa hawlgal ballaaran ka socdaa gobolka,waana sii socon doonaa. Ma rabno inaan walaalaheen cidlo uga tagno.Waxaan u fidin doonna gacan walaalnimo,waana tan haatanba socota kaalmadaasi,waana sii socon doontaa.Ma aqbali doono in xuduudka dheer ee aan la wadaagno Suuriya loo baddelo dhufays argagixiso”,ayuu yiri Erdogan.
Wuxuu sheegay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay duqayn xooggan ka ku beegsanayan mintidiinta ku sugan gobolka,taasoo awood u siinaysa ciidank xorta ah ee mucaaradka Suuriya in ay horay ugu siqaan degaannada ururka Tahrir al-Sham ka tirsan Al-qaeda ay dhowaan isku fidiyeen.
Dhinaca kale sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka Suuriya ayaa xaqiijiyey in uu saaka bilowday hawlgal ballaaran oo lagu sifaynayo degaanno ka tirsan gobolka oo ay ku sugan yihiin mintidiin taageersan Al-qaeda,si loo xoreeyo dadka rayidka ah oo uu sheegay in ay xaalad halis ah ku jiraan,kadib markii hay’adaha gargaarka ay awodi waayeen in ay mucaawino gaarsiiyaan,sababo amni dartood.
Mucaaradka ayaa baahiyey muuqaal laga dhex arko ciidankooda oo duqayn dhulka ah ku garaacaya tuulooyin laga qaxay oo ay ku sugan yihiin mintidiinta Tahrir al-Sham ka tirsan Al-qaeda,kuwaasoo sannadkii tegay baddelay magacoodii hore ee ahaa Nusra Front.
Dadkii ku noolaa gobolka Idlib ee ku yaalla Waqooyi galbeed Suuriya oo tiradooda lagu qiyaasay 2 malyan oo ruux,ayaa inta badan ka qaxay guryahoodii,kadib dagaal joogto ah iyo duqayn aan loo aabo-yeelin oo ku socotay muddo dheer,waxaana tiro badan oo kamid ah u carareen dhinaca dalka Turkiga ee xadka dheer la wadaaga gobolka.Dowladda Turkiga ayaa dhowaan ka digtay halista ka imaan karta,haddii kooxo argagixiso ah ku soo dhex-dhuuntan rayidka u qaxaya Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bishii Sep ee sannadkaan shaaciyay in uu ciidan u dirayo gobolka,si loo adkeeyo amniga xuduudka dheer ee u dhexeeya labada dhinac.
PUNTLANDPOST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar