
Wakaaladda Wararka Associated Press oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan Militariga Maraykanka ayaa ku warrantay in xukuumadda Washington ay gebi ahaanba joojisay dhoola-tuskii sannadla’ha ee ay la qaban jirtay qaar kamid ah dalalka Khaliijka,taasoo ay uga jawaabayso khilaafka u dhexeeya Xulafada Sacuudiga iyo dowladda Qatar.
AP ayaa ka soo xigatay Af-hayeenka Taliska dhexe ee Maraykanka Korneyl.John Thomas in ay joojiyeen carbiskii militari ee ay la samayn jireen qaar kamid ah dalalka khaliijka”iyagoo ixtiraamaya danaha la wadaago ee gobolka”,wuxuuna raaciyey”Waxaan sii wadaynaa inaan ku dhiirri-gelinno dhammaan bah-wadaagteenna in laga shaqeeyo xalka,si loogu guulaysto amniga iyo xasiloonida gobolka”.
In ka badan 1000 kun askari oo maraykan ah,ayaa sannadkasta carbis militari la sameeya ciidanka dalalka khaliijka,waxayna ku soo bandhigaan hub iyo gaadiid dagaal oo si wadajir ah loogu muujinayo wax u muuqda cudud midaysan oo Iran lagu cabsi gelinayo.Maraykanka ayaa horay u sheegay in khilaafka Gacanku aanu saamayn doonin hawlgalka ciidankooda ee gobolka.
5 June ee sannadkaan,Sacuudiga iyo dalal kale ayaa ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda Qatar,waxayna ku eedeeyeen in ay taageero siiso argagixisada,balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedaymaha loo jeediyey ee ku saabsan argagixisada.Maalmo yar kadib go’aankaasi,Maraykanka ayaa Qadar ka iibiyey diyaaradaha dagaalka F-15,lacag gaaraysa $12 bilyan Dollar.
Dalka Qadar waxaa ku yaalla taliska ugu weyn Maraykanka ee Khaliijka,kaasoo laga maamulo hawlgalka la-dagaallanka argagixisada ee Bariga dhexe,waana halka ay ka haadaan diyaaradaha dagaalka Maraykanka, marka ay duqaynayan Daacishta Suuriya iyo Ciraaq,sidoo kale Maraykanka ayaa saldhigyo ku leh qaar kamid ah dalalka khaliijka ee go’doomiyey Qadar.
Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa jimcihii maanta ka dalbatay Is-bahaysiga Sacuudiga ee ka dagaallama dalka Yemen in ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu yaraynayo khasaaraha rayidka ee duqaynta cirka ah,waxayna walaac xooggan ka muujisay warbixin dhowaan soo baxday oo tilmaantay in carruur badan lagu dilay duqaynta Is-bahaysiga Sacuudiga ee dalka Yemen.
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta goobaha colaadda Virginia Gamba oo galabta shir jaraa’id ku qabatay magaalada New York ayaa sheegtay in tiro badan oo carruur ah ku dhimatay duqaymaha cirka ee Is-bahaysiga Sacuudiga dalka Yemen,sidoo kalena la burburiyey iskuulladii ay wax ku baran jireen.
Gamba ayaa”waxaan loo dulqaadan karin” ku tilmaantay dhibaatada baahsan ee ay sheegtay in carruurta Yemen ay ku hayaan Is-bahaysiga Sacuudiga,waxayna dowladda Sacuudiga ka dalbatay in ay si deg deg ah jawaab cad uga bixiso eedaymaha ku qoran warbixin dhowaan soo baxday oo tilmaantay in xulafadu si xun u beegsadaan carrurta iyo iskuullada.
Warbixin qarsoodi ah oo QM loo gudbiyey 4 bishaan ayaa ku eedaysay Is-bahaysiga Sacuudiga ee dalka Yemen in ay duqayn ku dileen carruur badan,taasoo keentay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu liiska madoow ee denbiyada ku daro Is-bahaysiga,inkastoo aan weli la shaacin warbixinta oo la filayo in 31 bishaan Oct ay dood ka yeeshaan xubnaha joogtada ah ee QM.
Qaramada Midoobay ayaa diiwaan-gelisay tiro gaaraysa 1340 carruur ah oo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay colaadda dalka yemen sannadkii tegay ee 2016. Isbahaysiga Sacuudiga ayaa si gaar ah loogu eedeeyay dilka 683 kamid ah carruurtaasi,waxaana la sheegay in 39% dhibaatadaasi ka dhalatay duqaynta dhulka ah,halka 50% ay ahayd weerar dhinaca cirka ah.
Warbixinta ayaa xustay in la diiwaan-geliyey 33 weerar oo lagu beegsaday iskuullo,iyo 19 weerar lagu burburiyey 16 xarumood oo caafimaad,kuwaasoo dhammaan ay ku lug-leeyihiin xulafada Sacuudiga.
Qaar kamid ah hay’adaha xuquuqda Insaanka ayaa soo dhoweeyey in liiska madoow lagu daro Is-bahaysiga Sacuudiga ee ka dagaallama dalka Yemen.
PUNTLANDPOST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar