
Xoghayaha arrimaha debadda Maraykanka Rex Tillerson oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Washington ayaa sheegay in uusan xilka iska casilayn,wuxuuna sidoo kale beeniyey in khilaaf ku saabsan arrimaha Iran iyo Kuuriyada Waqooyi uu kala dhexeeyo madaxweyne Trump.
Qaar kamid ah warbaahinta Maraykanka ayaa todobaadkaan baahisay in Tillerson iyo Trump ay isku qabteen arrimaha Iran iyo Kuuriyada Waqooyi,taasoo ka bilaabantay qoraal uu Trump ku soo qoray Twitter-ka oo ahaa”Tillerson waqtiga ha isaga lumin wada-xaajoodka aad kula jirto Kuuriyada Waqooyi”.NBC News ayaa baahisay in madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence uu Tillerson kula taliyey in aanu iscasilin,kadib muran ku saabsan arrimaha Iran iyo Kuuriyada Waqooyi oo ka dhex aloosmay isaga iyo madaxweyne Trump.NBC ayaa sidoo kale baahisay in Rex Tillerson uuTrump caayey,isagoo ugu yeeray” qof maraan ah”.
Laakiin Tillerson ayaa beeniyey Warkaasi,wuxuuna ku tilmaamay in uusan marnaba ku hammin xafiiska in uu banneeyo,sidoo kalena aan khilaaf kala dhexayn madaxweyne Trump,kaasoo ku saabsan arrimaha Iran iyo K/Waqooyi.Wuxuu caddeeyey in uu marar badan ku celceliyey hadalkaas,balse ay jiraan shakhsiyaad dano gaar ah leh oo khilaaf hurinaya,inkastoo uusan si toos u bixin jawaabta la xiriirta in uu madaxweynaha”maraan” ku tilmaamay.
“Madaxweyne ku-xigeenku iskuma dayin in uu igu qanciyo inaan xafiiska sii joogo,waayo? Marnaba kuma aan hammin inaan jagadaan banneeyo,laakiin waan ixtiraamaya talooyinka saaxiibnimo ee madaxweyne ku-xigeenka,waana bogaadinayaa hoggaankiisa wanaagsan ee uu ku leeyahay maamulka madaxweyne Trump”,wuxuuna raaciyey” Inkastoo aan ku cusbahay Washington,haddana waxaan ogaaday halkaan ay joogaan shakhsiyaad abuuraya khilaaf,si ay u gaaran danahooda gaarka ah”,ayuu yiri Tillerson.
Wuxuu sheegay in uu mudnaanta siinayo danaha qaranka Maraykanka iyo amniga muwaadiniinta,sidoo kalena uu taageersanyahay hoggaaminta madaxweyne trump iyo siyaasaddiisa arrimaha debadda,wuxuuna ku tilmaamay”nin caqli badan” oo ay ka go’antahay ilaalinta amniga muwaadiniinta iyo la-xisaabtanka dadka la shaqeeya.Wuxuu ka hadlay Barnaamijka Nuclear-ka Iran iyo heshiiskii ay quwadaha waaweyn la galeen dalkaasi ee ahaa in ay joojiso bacriminta Nuclear-ka,heshiiskaas oo madaxweyne Trump sheegay in ay jebisay Iran,ayuu tilmaamay in uu labo khiyaar ka hayo,islamarkaana madaxweynaha la wadaagi doono,inkastoo uusan fahfaahin.
Shirka jaraa’id ee xoghayaha ayaa ku soo beegmay xilli todobaadkaan siyaasadda Maraykanka ay hafiyeen warar ku saabsan in uu iscasilayo,taasoo si weyn looga hadal hayey baraha Bulshada iyo Warbaahinta madaxa bannaan,iyadoo maanta madaxweyne Trump ku baahiyey bartiisa Twitter-ka hadal u qornaa sidaan ”maxaa warar been ah maanta socda!”,wuxuuna sii raaciyey”Warbaahintu faraha ayey ka baxday been bay sheegayaan”.
Madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay wuxuu dhex dabaashay siyaasado jaah-wareersan iyo muran la xiriira ololihii doorashadii uu ku guulaystay,waxaana uga sii dartay dhibaatooyin kale oo ka soo wajahay arrimaha debadda oo ay kamid tahay xiisaddda Gacanka Kuuriya,colaadda dalka Suuriya,Barnaamijka Nuclear-ka Iran iyo qodobo kale.
PUNTLANDPOST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar