Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.
Sheekh Umal ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida in ay isu tanaasulaan oo raadiyaan maslaxada guud iyo midnimada dalka, islamarkaana ay ka meel iska dhigaan danaha gaarka ah oo u turaan ummadda.
Wuxuu sheegay in aysan macno sameynayn meel gooni ah oo wax noqota, haddii dalku kala maqan yahay, isaga oo xusay in caalamka xiiligan uusan wax u qaban dalalka liita, in ay uga sii daraan maahane.
Sheekh Umal wuxuu hadal ka jeediyay munaasabad qado sharaf ah oo shalay duleedka koonfureed ee Garoowe loogu sameeyay wufuud deegaannada Puntland u yimid in ay ka qaybgalaan shir nabadeed oo ka dhacaya degmada Badhan ee gobolka Sanaag, kaas oo lagu heshiisiinayo beelo colaadi dhextaallo oo wada dega gobolkaas.
PUNTLAND POST
