Somaliland oo walaac ka muujisay taliska qaybta 26-aad ee ciidanka xoogga dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay taliska qaybta 26-aad ee ciidanka xoogga dalka oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Woqooyi Bari.

Madaxweyne Cirro ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay raadinayso xasuuq cusub iyo dagaallo la mid ah kuwii dowladdii Kacaanka oo markale ka dhaca gobollada Waqooyi.

“Taliska qaybta 26-aad waa xasuuq-raadin cusub, waxaana la dhex keeney Somaliland, ciidamo intaa ka awood badan ayaan ka adkaanay annaga oo shacab ah, maantana waxaanu nahay dowlad dhisan, si fudud ayaan uga hortegi karnaa mu’aamarada Muqdisho, Soomaali waxay u baahan tahay xasilooni iyo nabad” ayuu yiri Cirro.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan G/le Dhexe Cabdiraxmaan Cawad Baalcade u magacowday taliyaha qaybta 26-aad ee ciidanka xoogga dalka, kaas oo noqday taliyihii ugu horeeyay ee loo magacaabo qaybtaas tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Taliye Cabdiraxmaan Baalcade ayaa maalmihii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaannada maamulka Waqooyi Bari, isaga oo oo maalin ka hor booqday deegaanno ka tirsan degmada Buuhoodle.

PUNTLAND POST