Hindiya oo furatay markab u afduubnaa koox Burcad-badeed Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa shaacisay in ay furatay markabka kalluumeysiga Azini oo maalmo ka hor ay koox Burcad-badeed ah ku qabsadeen xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

Wasiirka Difaaca Hindiya Rajnath Signh ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ku sheegay in ciidanka badda Hindiya ay howlgal 48 saacadood socday ku badbaadiyeen 20 shaqaale ah oo saarnaa markabka Azini, wuxuuna soo bandhigay ku dhawaad 10 Burcad-badeed ah oo la qabtay.

Wuxuu xusay in ay markabka ku qabteen meel u dhow Badda Carabta oo in ka badan 3000 km u jirta xeebta Mumbai.

Markabka kalluumeysiga ee Azini oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa kooxda Burcad-badeedda ah waxay ku doonteen maraakiib kale, taas oo sababtay in laga furto, iyagana gacanta lagu dhigo.

PUNTLAND POST