
Kadib markii Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ka hadlay qorshaha soo saarista lacagta cusub ee dalka, iyadoo la qaadanayo nidaamka Fixed Exchange Rate, waxaa muhiim ah in arrintan laga eego dhinaca siyaasadda lacagta (Monetary Policy), xasilloonida dhaqaalaha iyo kalsoonida shacabka.
Soomaaliya muddo ka badan 30 sano ma aysan soo saarin lacag qaran oo cusub oo rasmi ah. Dhaqaalaha dalkuna wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay doolarka Maraykanka. Sidaas darteed, dib u soo celinta Shilinka Soomaaliga ma aha oo keliya arrin la xiriirta daabacaadda waraaqaha lacagta, balse waa dib-u-dhis lagu sameynayo kalsoonidii nidaamka lacagta dalka.
Waxaan soo jeedin lahaa in dowladda ay xoogga saarto qodobadan:
1. In la dhiso Currency Board Arrangement (CBA).
Fixed Exchange Rate keliya kuma filna in lagu ilaaliyo qiimaha lacagta. Waxaa muhiim ah in la helo nidaam sharci iyo mid maaliyadeed oo dammaanad qaadaya in lacag kasta oo cusub oo la soo saaro ay leedahay kayd lacag qalaad (Foreign Exchange Reserves) oo ku filan. Waxaa habboon in la tixgeliyo kayd daboolaya 100%–110% waajibaadka lacagta la soo saaray.
2. In la caddeeyo halka uu ka imanayo sarifka go’an (Fixed Exchange Rate).
Qiimaha cusub ee Shilinka laguma salayn karo go’aan siyaasadeed ama rabitaan keliya. Waa inuu ku salaysnaadaa daraasad farsamo oo tixgelinaysa sicirka suuqa, awoodda wax iibsiga, mushaharka, qiimaha badeecadaha iyo xaaladda nidaamka bangiyada.
3. In la ilaaliyo kaydka lacagta qalaad.
Kaydka loogu talagalay taageeridda Shilinka cusub waa in aan loo adeegsan maalgelinta miisaaniyadda dowladda, daboolidda kharashaadka siyaasadeed ama samatabbixinta bangiyada ganacsiga. Waa inuu ahaadaa kayd si sharci ah loo ilaaliyo, si joogto ahna loo hubiyo.
4. In la ilaaliyo madaxbannaanida Bangiga Dhexe.
Bangiga Dhexe waa inuu awood u yeeshaa inuu si madax-bannaan u maamulo nidaamka lacagta, iyadoo aan cadaadis siyaasadeed lagu khasbin inuu soo saaro lacag aan kayd ku filan lahayn. Sidoo kale, waa in la sameeyaa xeerar adag oo mamnuucaya maalgelinta tooska ah ee dowladda iyadoo la adeegsanayo lacag cusub.
5. In la helo hannaan gurmad maaliyadeed oo gaar ah.
Maadaama Currency Board uusan lahayn awoodda caadiga ah ee Bangiga Dhexe ee ah Lender of Last Resort, waa in horay loo dhisaa sanduuq gaar ah oo wax looga qaban karo xaaladaha degdegga ah ee bangiyada iyo dhibaatooyinka liquidity-ga.
6. In la xaqiijiyo isla xisaabtan iyo daahfurnaan.
Bangiga Dhexe waa inuu si joogto ah, gaar ahaan toddobaadle inta lagu jiro bilowga hirgelinta, u soo bandhigaa shacabka xogta kaydka lacagta qalaad, lacagta la soo saaray iyo heerka ay kaydku ku daboolayaan lacagtaas. Waxaa sidoo kale muhiim ah hanti-dhowr madax-bannaan.
Gunaanad:
Khibradaha dalalka sida Hong Kong, Bulgaria iyo Estonia waxay muujinayaan sida nidaamka Currency Board uu uga qayb qaadan karo xasillinta lacagta marka uu leeyahay sharci adag, kayd ku filan iyo hay’ado lagu kalsoonaan karo.
Dhanka kale, waayo-aragnimada Argentina ee 1990-meeyadii waxay ina tusaysaa in ku dhawaaqista sarif go’an aysan kaligeed dammaanad qaadin xasilloonida lacagta haddii anshaxa maaliyadeed iyo nidaamka bangiyadu daciif yihiin.
Sidaas darteed, waxaan qabaa in doodda qaranku aysan ku ekaan Goorma ayaa lacagta cusub la daabacayaa? Balse ay tahay inay gaarto su’aal ka muhiimsan:
Sidee loo xaqiijinayaa in Shilinka cusub uu maanta iyo mustaqbalka ku ilaalin karo awoodda wax iibsiga ee shacabka Soomaaliyeed?