
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Michael Lotem oo ah ergayga Israa’iil u soo magacowday maamulka Somaliland.
Cirro ayaa sheegay in xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ku salaysan yahay iskaashi, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo tiknoolajiyadda.
Wuxuu xusay in goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay fursad muhiim ah u tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo ka qayb qaadashada adkaynta nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Dhanka kale Michael Lotem waxa uu sheegay in uu si weyn uga shaqayn doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Israa’iil iyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, caafimaadka iyo waxbarashada, islamarkaana wax ka tari doona nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Dowladaha Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Turkig, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Indoneesiya, Bakistaan iyo Kuweyt ayaa hore u sheegay in magacaabista Israa’iil ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Danjire Michael Lotem ayaan si toos ah u joogi doonin magaalada Hargeysa, iyada oo aan la sheegin meesha uu ka wadi doono shaqadiisa.
PUNTLAND POST