
Ciidanka la dagaallanka argagixisada ee dalka Kenya ayaa baahiyay xog tibaaxaysa in ay raadinayaan Macruuf Xaaji iyo Axmed Siciid oo ah caan ka ah baraha bulshada Soomaalida.
Ciidanka la dagaallanka argagixisada Kenya oo xogtan ku baahiyay bartooda X (oo loo yiqiin Twitter), waxay codsadeen in ciddii xog ka haysa shakhsiyaadkaas ay la wadaagto.
Dhanka kale dowladda Soomaaliya oo war-saxaafadeed ka soo saartay arrintan ayaa eedeymaha ka yimid Kenya ku tilmaantay kuwo waxba kama jiraan ah, iyada oo xustay in Macruuf Xaaji iyo Axmed Siciid yihiin wariyeyaal Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in la doonayo sumcad dilka wariyayaashan Soomaaliyeed, islamarkaana ay difaacayso muwaadiniinteeda.
Balse Kenya oo ka jawaabtay qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa tiri “Maxamed Ilkacase, wuxuu ahaa macallin iskuul, Xasan Xanafi, wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta ugu caansan Muqdisho, halka Nageeye Khaliif uu ahaa abwaan Soomaaliyeed oo si weyn loo qaddariyo, balse waxay ay si qarsoodi ah uga tirsanaayeen Al-shabaab.”
Kenya waxay intaasi raacisay in aan “dadka lagu qiimeyn karin shaqooyinka ay maalintii qabtaan, maadaama aan la ogayn waxa ay habeenkii iyo mugdiga ku sameeyaan waddooyinka Muqdisho”.



PUNTLAND POST