Madaxweyne Deni oo booqday lix wasaaradood

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqday waaaradaha arrimaha gudaha, caafimaadka, qorsheynta, deegaanka, waxbarashada iyo beeraha.

Kormeerka uu madaxweyne Deni ku tagay lixda wasaaradood waxaa la sheegay in uu daarnaa dardargelinta shaqada iyo kor u qaadista adeegyada dowladnimo.

Madaxweyne Deni ayaa warbixinno ka dhegaystay mas’uuliyiinta wasaaradaha uu booqday, kuwaas oo uga warbixiyay waxqabadka, caqabadaha jira iyo qorshayaasha u yaalla.

PUNTLAND POST