Doon u rarnayd Boosaaso oo ku gubatay marinka Hormuz

Dooni ganacsi ayaa ku gubatay marinka Hormuz, kaddib markii uu haleelay gantaal ama walax aan la aqoonsan, sida ay sheegtay hay’adda howlgallada ganacsiga badda ee UK (UKMTO).

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in doontaas oo lagu magacaabo SKY Quba ay u rarnayd iyaga, islamarkaana ay u socotay dekedda magaalada Boosaaso.

Doonida oo siddey in ka badan 1200 oo tan oo isugu jira bagaash, shidaal iyo baabuur ayaa la sheegay in ay ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa sameeyay dagaalka Bariga Dhexe iyo xirnaanshaha marin biyoodka Hormuz, taas oo sababtay in ay hor u kacaan shidaalka iyo qaar ka mid ah maciishada.

PUNTLAND POST