Golaha wasiirrada oo ansixiyay qaraar lagu dhaqangelinayo dastuurka lagu muransan yahay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa ansixiyay qaraar lagu dhaqangelinayo dastuurka lagu muransan yahay.

Golaha ayaa magacaabay guddi ka kooban oo loo igmaday dardargalinta fulinta dastuurka iyo in ay muddo labo bilood ah ku soo diyaariyaan hindise-xeereedka dhismaha xukuumadda, kaas oo la sheegay in uu qeexayo xukuumadda iyo waajibaadyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dastuurka uu dhaqangal yahay, fulintiisana loo marayo marxalado kala duwan, isaga oo xusay in xukuumaddu ku howlan-tahay in sannadka soo socda ay dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo heer federaal ah.

Dastuurka waxaa diidan Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo sheegay in wax ka baddelkiisa aan loo marin wadatashi iyo habraac sharci.

PUNTLAND POST