
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cunaqabateyn maaliyadeed saartay Cabdicasiis Laftagareen, taliyihii hore ee asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) iyo xubno kale oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed.
Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ayaa maanta shaaciyay liiska xubnaha cunaqabateynta maaliyadeed la saaray, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda ururka argagixisada ah ee Al-shabaab.
Cabdicasiis Laftagareen oo 30 Maarso, 2026 xoog looga saaray magaalada Baydhabo ayaa weli sheegta madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana ciidamo taageersan ay dhowr jeer weerar ku soo qaadeen maamulka Aadan Madoobe.


PUNTLAND POST