Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska maalinta calanka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad heer qaran ah oo lagu xusay maalinta calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada waxaa ka qaybqaatay cutubyo ka kala socday ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee xoogga dalka Soomaaliya, kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay difaaca calanka, qarannimada, madax-bannaanida dalka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay qiimaha taariikheed ee maalinka 12-ka Oktoobar iyo kaalinta uu calanka Soomaaliyeed ku leeyahay sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in calanku yahay astaan ka tarjumaysa midnimada shacabka, himiladii xorriyadeed iyo naf-hurnimadii halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo dagaallamay gobanimada.

Munaasabadda maalinta calanka waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha golaha shacabka baaralamaanka federaalka Soomaaliya, fuddoomiye ku xigeenka ioowaad ee golaha aqalka sare, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, fuddoomiyaha maxkamadda sare iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST