
Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan 15 carruur ah ayaa ku dhintay doon habeenkii khimiista ku degtay xeebaha dalka Jabuuti.
Sidoo kale waxaa weli la la’yahay tobannaan qof oo kale, iyada oo masiibadan ay ka badbaaday 82 qof oo dhammaantood Itoobiyaan ah, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM.
Doonta oo siday ku dhowaad 305 qof ayaa ka ambabaxday Jabuuti, iyada oo ku sii jeeday dalka Yemen, hase yeeshee waxay ku degtay meel u dhow xeebaha magaalada Obock ee dalka Jabuuti.
Shilkan wuxuu noqday shilkii doon ee ugu dhimashada badnaa ee la diiwaangaliyo taariikhda xeebaha dalka Jabuuti.
PUNTLAND POST