Puntland ayaa magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ka mamnuucday in ay hub ku dhexqaataan ciidamada iyo dadka shacabka.
Amar ka soo baxay guddiga amniga degmada Badhan ayaa lagu dheegay in ciidan gaar ah loo xilsaaray amniga magaalada, islamarkaana cidii kale ee qori lagu arko ay tahay dambiile.
Guddiga waxa kale oo ay sheegeen in ay 24 saac ee soo socda ay magaalada ka bilaabayaan howlgal ballaaran oo lagu dhaqangelinayo go’aankan.
Magaalada Badhan waxaa bil kaddib lagu qaban doonaa shir nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelaha gobolka Sanaag ee colaadu ka dhaxaysay, kaas oo maalmo ka hor uu shaaciyay suldaan Siciid Cabdisalaan.
PUNTLAND POST