
Labo qof ayaa ku dhintay, afar kalana waa ku dhaawacantay, kaddib markii maanta qof hubaysan u rasaas ku furay dad ku sugnaa goob ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Dhacdadan ayaa ka dhacday goob birta lagu tumo oo ku taalla suuqa Inji ee magaalada Garoowe, waxaana goobta ka baxsaday ninkii falka gaystay.
Dadka dhaawacmay waxaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo hadda lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Labada qof ee dhintay ayaa mid ka mid ah ku geeriyooday isbitaalka oo markii hore lagu geeyay dhaawac, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta isbitaalka.
Laamaha amniga magaalada Garoowe ayaa weli ka hadlin dhacdadan sababtay dhimashada iyo dhaawaca, taas oo aan si rasmi ah loo ogayn waxa sababay.
PUNTLAND POST