Mucaaradka iyo dowladda oo eedeymo culus isu jeediyay

Xisbiga Himilo Qaran ee hoggaamiyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay weerar lagu qaado goobaha ay magaalada Muqdisho degan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu abuubulo ciidamo si gaar ah uga amar qaata oo weerar ku qaada xarumaha ay degan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu tilaamay in tallaabadaasi ay carqaladaynaydo wadahadallada siyaasadeed, islamarkaana ay dib u celin karto dowladnimada, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale hay’adda NISA ayaa sheegtay in ciidan ka amar qaata madaxweyne hore Sheekh Shariif ay weerar ku qaadeen ciidamada ilaalada shacabka oo ka tirsan hay’adda NISA.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada ilaalada shacabka ee hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay laanta koowaad ee waaxda Gen. Daa’uud, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Falalkan, oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Eedeymaha labada dhinac isu jeediyeen ayaa ku soo aaday, xilli weli khilaaf siyaasadeed ka dhextaagan yahay labada dhinac, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.

PUNTLAND POST