Abwaan oo ka qaybgelin furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Waqooyi Bari

Magaalada Laascaanood waxaa maanta ka furmay kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka Waqooyi Bari, kaas oo yimid xilli khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo madaxda sare maamulkaas.

Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa furay kalfadhiga baarlamaanka, waxaana ka qaybgelin ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Firdhiye iyo Abwaan oo muddo 14 bilood ah xilka haya waxaa ka dhexeeya khilaaf soo noqnoqday oo la sheegay in uu salka ku hayo kala aragti-duwanaansho dhinaca maamulka, awoodaha dastuuriga ah iyo talo-wadaag la’aan ka dhexeysa labada mas’uul.

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa la kala safan labada mas’uul, waxaana jira qorshe ay wadaan kuwa la socda Firdhiye oo ay ku doonayaan in ay xilka kaga qaadaan Abwaan.

PUNTLAND POST