
Golaha wasiiradda xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay guddiga shirkadda kalluumaysiga qaranka oo ka kooban 9 xubnood, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Guddigan ayaa yimid, xilli sanadkii hore ee 2025 ay dowladda Soomaaliya heshiis la gashay shirkadda OYAK ee dalka Turkiga, taas oo la sheegay in ay shaqaynayso arrimaha kalluumeysiga badda Soomaaliya iyo la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah.
Puntland ayaa hore u sheegtay in shirkadaas oo hadda loo bixiyay SOMTURK aysan xeebaheeda ka fulin karin wax howlgallo kalluumeysi ah.
Heshiiska dowladda Soomaaliya iyo shirkadda ee Turkiga ee SOMTURK (OYAK) ayaa dhawaan loo gudbin doonaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST