
Iyada oo dowladda Kenya xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay cudurka Ebola oo qof ugu geeriyooday magaalada Nairobi, ayaa Puntland soo saartay digniin la xiriirta cudurkaas.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in Puntland si dhow ula socota xaaladda cudurka Ebola, balse aan ilaa hadda la xaqiijin wax kiis ah.
Puntland waxay ugu baaqday dadweynaha in qof kasta oo isku arka qandho, daal baran, madax xanuun, muruq xanuun, matag, dhuban ama dhiig bax uu si degdeg ah ula xiriiro xarunta caafimaad ee ugu dhow.
Puntland waxay tilmaantay in ay xoojinayso tallaabooyinka digaargarow, ogaanshaha hore iyo jawaabaha degdeg ah ee la xiriira ka hortagga cudurka faafa ee Ebola.

PUNTLAND POST