
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor, kuwaasi oo dhowaan soo dhammaystay tababar.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka, isla markaana u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo diyaar-garowgooda hawlaha qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah argagixisada.
Ugu dambaun, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.
PUNTLAND POST