Puntland oo go’aan ka soo saartay dagaal beeleedyada

Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay la wareegayso hubka loo isticmaalo dagaal beeleedyada ka dhaca deegaannadeeda.

Sidoo kale Puntland waxay tilmaantay in ay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadayso cid kasta oo ka shaqeysa hurinta ama ka qayb qaadata abaabulka colaad beeleedyada.

“Hay’adaha amnigu waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan, lana wareegayaan wixii hub ah ee loo isticmaalo dagaal beeleedyada iyo ciddii ka qayb qaadata dagaalada beelaha dhexdooda ah” ayaa lagu yiri bayaan ka baxay shir amni oo uu guddoomiyay madaxweyne Deni.

Go’aankan ayaa yimid, xilli mararka qaarkood deegaannada Puntland ay ka dhacaan dagaaal beeleedyo loo isticmaalo gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano tiknikada.

PUNTLAND POST