
Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarrada ay Iiraan ku bartilmaameedsatay kaabayaasha tamarta ee dalalka Boqortooyada Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa lagu sheegay in weerarradan ay ka dhigan yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah ammaanka iyo xasilloonida gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in ay si buuxda u garab taagan tahay dowladaha iyo shacabka Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka, iyadoo muujisay taageerada ay u heyso dadaallada lagu doonayo in lagu ilaaliyo madax banaanida dalalkan iyo xaqiijinta amniga muwaadiniintooda.
Soomaaliya oo ku taal mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan adduunka, ayaa carrabka ku dhufatay muhiimadda wadahadalka iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo marinnada tamarta muhiimka u ah.
Waxay sidoo kale sheegtay in ay ka go’an tahay inay la shaqeyso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si kor loogu qaado nabadda iyo ilaalinta kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah.
PUNTLAND POST