
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in uu hakiyay duulimaadyadii iman jiray deegaannada uu ka arrimiyo.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid lagama maarmaan u ah xaqiijinta amniga iyo ilaalinta kala dambeynta.
Go’aankan waxa uusan saameynayn duullimaadyada gargaarka bini’aadantinimo, hawlgalada Midowga Afrika (AUSSOM) iyo daad gureynta caafimaadka degdegga ah, sida lagu sheegay qoraal.

PUNTLAND POST