Laftagareen oo iska casilay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqday in uu iska casilay xubinimadii iyo xilkii uu ka hayay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee hoggaamiye madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo akhriyay afhayeenka cusub ee maamulka Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa lagu shaaciyay iscasilaada Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen wuxuu ka ahaa xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) guddoomiye ku-xigeenka arrimaha amniga iyo dowlad goboleedyada.

PUNTLAND POST