Laftagareen: Dastuurka cusub waa mid aan loo dhammeyn oo lagu meel marsaday habraac khaldan iyo musuqmaasuq

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in maamulkiisu uu aqoonsan yahay oo keliya dastuurkii 2012, isagoo meesha ka saaray dhammaystirka dastuudka cusub.

War-saxaafadeed uu soo saaray madaxweyne Laftagareen ayaa lagu xusay in dastuurkii la ansixiyey 2012 yahay midka sharciga ah ee ay Soomaali heshiiska ku tahay, dastuurka cusubna yahay mid aan loo dhammeyn oo lagu meel marsaday habraac khaldan iyo musuqmaasuq.

Madaxweyne Laftagareen wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh in uu goob dhexdhexaad ah isugu keeno Golaha Wadatashiga Qaran, si buu yiri looga heshiiyo hannaan doorasho oo loo dhanyahay inta aan la gaarin dhammaadka muddo xileedkeeda hay’adaha dowladda Federaalka ee 14 Abriil iyo 15 May 2026.

Laftagareen waxa uu dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay khalkhal gelin amni & mid siyaasadeed ka wado deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, iyo in ay la lunsaday deeq gargaar ah oo Beesha Caalamka ugu talagashay dadka abaartu saameysay ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST