
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay go’aanka maamulka Koonfur Galbeed uu xiriirka ugu jiray, iyada oo sheegtay in ay deegaankaas ka gudanayso waajibaadka shaqo ee ka saaran.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed in uu sii wado ka qayb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimoqraadiyeynta.
Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday bulshada, beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed in ay ka feejignaadaan wax walba oo khatar gelin kara amniga, nabadda iyo badqabka shacabka ku nool deegaannadaas.

PUNTLAND POST