
Muqdisho (Wararka PP) Kaddib markii maamulka Konfur Galbeed soo saaray warqad uu laamaha caafimaadka ugu baaqay inaysan daawaynin qof aan la ogeyn, waxaa isu dhowaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mustaqbalka Soomaaliya, oo dhowaan ku baaqay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen uu qabto doorasho madaxtooyo. Cadaadiska saaaran Laftagareen wuxuu ka yimid ciidammo iska abuulay qeybo ka mid ah Bay iyo Bakool oo isu bixiyay “Isbahaysiga Samatabixinta Koonfur Galbeed”.

Laftagareen ayaa si degdeg ah uga noqday Sucuudiga oo ku cimraysanayay kaddib markii lala socodsiiyay dhaqdhaqaaqyo ciidan “sababi kara in isaga la afgambiyo.” Laftagareen wuxuu, isagoo doorasho qabsan karay, oggolaaday inuu dib u dhigo doorashada si uu u waafajiyo hannaanka doorasho ay Dowladda Federaalka Soomaaliya damacsan tahay inay ka hirgeliso Soomaaliya. Laftagareen wuxuu ka mid yahay Xisibiga Caddaaladda iyo Wadajirka uu asaasay Madaxweynen Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhowaan Cabdinuur Maxamed, oo ahaa ku xigeenkii xafiiska madaxtooyada ee maamulkii Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay, in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni u ololeeyay in Maxamed Aadan Farkeeti, Wasiirkii hore Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, ka mid noqdo Isbahaysiga Mustaqbalka Soomaaliya. Wuxuu kale oo Deni ku baaqay in Koonfur Galbeed ay qabato doorasho. Laftagareen ayaa markii uu socday calaamasaarkii Deni sanadkii 2024 ugu baaqay Madaxweynaha Puntland inuu dib ugu soo noqdo Golaha Wadatashiga oo ay Puntland si rasmi ah uga baxday dhammaadkii 2022.

“Waa suurtaggal in Laftagareen oo isbadbaadinaya ku baaqo in laga noqdo wax ka beddelka dastuurka federaalka, laakiin taas uma horseedi doonto inuu helo kalsoonida Isbahaysiga Mustaqbalka Soomaaliya oo u arka inuu markii hore jeebka ugu jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan. Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay ku baaqdo in dib u heshiisiin loo qabto maamulka Koonfur Galbeed.
© Puntland Post, 2026