Waa in laga hortago ka beensheegista taariikhda asaasiddii Puntland

Eex siyaasadeed: Maxamed Abshir Muuse looma aqoonsana inuu ka mid yahay asaasayaashii Puntland.

Garoowe (Faallo PP) — Marka laga hadlayo asaasiddii Puntland waxay dad badani caadaysteen inay sida ay jecel yihiin uga hadlaan taariikhda. Hadalkoodu qof jeclaysi iyo faan ayuu ku salaysan yahay. Ujeeddada faanku waa in kaalinta dadka qaarkood la aaso, kaalinta dad kale laga dhigo mid ka badan inta ay le’eg tahay. Tusaale, xuska sanadguurada asaasiddii Puntland waxaa la soo sawirraa madaxweynayashii hore ee Puntland. Waxaa laga reebaa Maxamed Abshir Muuse oo ka mid ahaa asaasayashii Puntland.

Dhowaan waraysi uu bixiyay Daa’uud Bisinle, Wasiirkii Qorsheynta ee Puntland, ayaa yidhi sidan: “Barnaamijka in Puntland la asaaso seddex nin ayay ka go’day. Waxay kala ahaayeen Garaad Cabdiqani, Maxamed Cabdi Xaashi iyo Axmed Cabdi Xaabsade.”  

Halyay la illoobay: Cawad Axmed Casharo wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland laakiin magaciisa lama xuso.

Labo ka mid ah seddexda nin uu sheegay Bisinle way mootan yihiin. Seddexdoodaba waxaa magaca asaase xaq u leh Maxamed Cabdi Xaashi oo 1991kii Nayroobi kala soo saaray Warqad Furan Cabdullaahi Yuusuf iyo Cumar Xaaji Masalle. Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ahaa guddoomiyihii ururkii dib loo unkay ee USP (United Somali Party). Waxaa hawshaas la waday Cawad Axmed Casharo oo ay aad isu yaqaanneen kana mid ahaa asaasayaasha Puntland aan magacyadooda la xusin marka la gaaro sanadguurada asaasiddii Puntland.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa soo jeediyay in maamulka samaynta la ballaariyo si Harti Waqooyi uga mid noqdaan maamulka loo bixiyay Puntland.
Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu siyaasad-wadaag la ahaa Cabdullaahi Yuusuf tan iyo 1991kii.

Bisinle wuxuu sheegay in Xaabsade iyo Garaad Cabdiqani ka soo “caroodeen Somaliland.” Madaxweynihii maamulka Somaliland Maxmed Ibraahin Cigaal ayaa ku guuleystay in Axmed Maxamed Aadan (Qeybe) noqdo Afyaheenka Baarlamaanka maamulka Somaliland 1997kii, xilkaas oo uu Xaabsade hayay. Madaxweyne Cigaal ayaa xafiiska ugu yimid Xaabsade oo isku dayay inuu kursiga isku sii dhejiyo. “War meeshan anigaa samaystay iguma qabsan kartid, orod oo tag meel aad leedahay” ayaa la sheegay inuu Cigaal si cad ugu yidhi Xaabsade.

Axmed Cabdi Xaabsade wuu sababay in maamulka Somaliland 2007 qabsaday Laascaanood.

Asaasiddii Puntland, oo Hartiga Waqooyi ka mid yahay, waxaa miiska soo saaray Cabdullaahi Yuusuf oo magac ku yeeshay sidii uu uga hor yimid shirkii ay Masar  u qabatay saamileydii siyaasadda Soomaaliya sanadkii 1997kii. Garaad Cabdiqani, Garaad Saleebaan Maxamed iyo Garaad Abshir Saalax waxay ka mid ahaayeen saxiixayashii Axdiga Puntland, halka Islaan Maxamed ahaa guddoonka geeddisocodkii qorista Axdiga Puntland.

Garaad Cabdiqani inkastuu markii dambe diiddanaa Puntland wuxuu ka mid ahaa odaydhaqameedkii saxiixay Axdigii Puntland.

Garaad Cabdiqani markii dambe wuxuu noqday madaxdhaqameed-siyaasi ka horjeeda Puntland. Wuxuu 2004tii isku dayay inuu ka dhoofo Laascaanood si uu uga qeybgalo shirkii dib-u-heshiisiinta oo ka socday Embagathi, oo Puntland ergadeedii ay goobjoog ka ahaayeen. Axmed Cabdi Xaabsade, oo ahaa Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee Puntland, ayaa u diiday Garaad Cabdiqani inuu ka dhoofo Laascaanood. Xaabsade markii dambe wuxuu kaalin weyn ku lahaa in Laascaanood gacanta u gashay maamulka Somaliland 2007dii. Wuxuu dib ugu soo qaxay Garoowe 7 sano kaddib isagoo soo maray dhanka Galdogob.

Daa’uud Bisinle wuu faanay; taariikh kama hadlin.

Daa’uud Bisinle wuu mala-awaalay taariikhda asaasiddii Puntland. Puntland lama asaasin 300 sano ka hor. Fashilka siyaasadeed ku dhacay Puntland ayaa sababay in taariikhda siyaasadda Puntland noqotay mid qofkii faan doonaya uu wax ku darsan karo. Puntland  waa maamul Hartinimo ku dhisnaa, loo og yahay inuu horseeday federaaleynta Sooomaliya laakiin uu hoos u dhac ku yimid kaalintii ay lahayd ka hor 2013kii. Sanadkii hore Madasha Puntland iyo odaydhaqameedka Puntland waxay ku baaqeen in dib loo eego Axdiga Puntland maadaama uu maamulkii SSCK helay aqoonsi heer federaal, markii dambena la asaasay maamulka Waqooyi Bari, oo ay caasimaddiisu tahay Laascaanood.  

© Puntland Post, 2026