Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay nabadoon Cali Xuseen Jimcaale oo ku magac-dheeraa Cali Wosh, kaas oo caan ka ahaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ayaa toogtay nabadoonka, xilli uu ka soo baxayay masjid ku yaalla degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka garaashka Muuse Suudi.

Nabdoon Cali Wosh ayaa dhaawac ahaan looga soo qaaday goobtii lagu toogtay, balse waxaa markii dambe la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka magaalada Muqdisho ayaa weli ka hadlin dilka loo geystay nabadoon Cali Wosh oo ka mid ahaa nabadoonada gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST