
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay xanibaad safar oo lagu soo rogay saraakiil iyo mas’uuliyiin ku sugan magaalada Baydhabo, kuwaas oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Go’aankan ayaa dhigaya in aan wax safar ah laga bixi karin magaalada Baydhabo ilaa amar dambe, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed waxa uu maanta ku amray xarumaha caafimaadka magaalada Baydhabo in aysan daaweyn karin qof aysan soo ogaysiin hay’adda amniga.
Amaradan waxay yimaadeen, xilli xiisad colaadeed laga dareemayo deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo u dhexeysa maamulka madaxweyne Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo qaarkood ka tirsan yihiin dowladda Federaalka.


PUNTLAND POST