
Wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa maanta loo magacaabay afhayeenka cusub ee maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen.
Magaabista waxaa sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi oo hadda ah ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyada oo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu ku maqan yahay Cumrada.
Magaabistan waxay timid, xilli xiisad colaadeed iyo mid siyaasadeed ka taagan tahay deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta doorashada xilli dhaafka ah ee maamulkaas.
PUNTLAND POST