Waddada Boosaaso oo 24 saac kaddib la furay

Ciidamadii xirtay afaafka hore ee Boosaaso ayaa 24 kaddib lagu qanciyay in ay furaan waddada halbowlaha ah ee isku xirta magaalada Boosaaso iyo gobollada dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Puntland oo halkaas tagay ayaa wadahadal la galay ciidamada gadoodsan, waxaana hadda safarkoodii dib u bilaabay boqolaal gaadiid ah oo ilaa shalay halkaas ku xanibnaa.

Dowladda ayaa saaka mar go’aansatay in ay awood ku furto waddada, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor-imaad kooban oo sababay dhaawaca hal askari.

PUNTLAND POST