
Garoowe (Faallo) — Daa’uud Bisinle, Wasiirkii Qorsheynta ee Puntland, wuxuu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyey in dowladda oo dhan ay gacantiisa ku jirto. Waa eed aan sal lahayn. In awoodda oo dhan ku urursan tahay gacanta qofka ah Madaxweynaha Puntland waxay billaabatay wixii ka dambeeyay 2008, markii Cabdiraxmaaan Faroole noqday Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Cadde Muuse maamulkiisii wuxuu ku soo beegmay xilli lacagta Puntland soo gasha badankeed loo diri jiray Madaxweynihii Dowladda Federaalka Cabdullaahi Yuusuf oo mar ku shaqaynayay Jowhar, Baydhabo iyo Muqdisho.
Faroole, Gaas iyo Deni waxay heleen fursad uusan Cadde Muuse helin. Awoodda fulinta iyo xeer-dejinta (baarlamaanka) ayaa gacanta ugu wada jiray seddexdaas madaxweyne. Xaq ma aha in Deni si gaar ah loogu eedeeyo awood-urursi. Waa heshiis bulsho oo u yaalla Puntland in ninka Madaxweynaha ah uu muddo xileedkiisa u adeegsado inuu ka hantiyeysto siyaasadda oo hub badan u helo beeshiisa.
Bisinle wuxuu eedda kala-jabka siyaasadeed ee Hartiga dusha ka saaray Madaxweyne Deni iyo Madaxwynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye). Deni iyo Firdhiye waxay labo waddo u kala leexdeen Diseembar 2023kii markii Deni shirqool beesha Daarood ka dhan ah ku tilaaamay shirkii Jabuuti ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii maamulka Somaliland Muuse Buuxi. Firdhiye wuxuu shirkaasi ku tilmaamay mid lagu xoojinayay midnimada Soomaaliya. Labo maalmood kaddib shirkaaas, Muuse Biixi wuxuu saxiixay Heshiiskii Is-afgarad, oo uu ku doonayay inuu Itoobiya saldhig xeebeed kaga kireeyo.
Eedda Deni ka galay Punland waa isaga oo jebiyay xeerka aan qornayn oo ah: haddii dadaallada “dimuqraaddiyeyntu” ay kala kulmaan diidmo saamileyda siyaasadda, waa in laga noqdo. Markii madaxdhqameedka maamulkii SSCK ay soo jeediyeen in habkii doorashada ee 66 xildhibaan lagu noqdo ayuu Deni isagoo cagajiidaya ka noqday wax ka beddelkii dastuurka iyo doorashadii qof iyo cod uu doonayay inuu ka qabto qaybo ka mid ah Puntland.

Deni wuxuu dhowaan Muqdisho kaga dooday inuu bishii Oktoobar 2022 ka baxay Madashii Wadatashiga, laakiin wuxuu illoobay in Puntland si rasmi ah xiriirka wada-shaqaynta ugu jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii 2023kii, markii dagaalkii Laascaanood uu socday. Deni wuxuu dhaxlay isku-rarnaanta Puntland oo markii hore ka koobnayd 6 gobol laakiin la awood iyo wax qeybsi ah Galmudug oo gobol iyo bar ka kooban. Awood la’aanta siyaasadeed ee Puntland waxay ka dhalatay talo isku koobistii Faroole oo mar si cad ugu dooday in Dastuurka Federaalka Soomaaliya loo baahan yahay inuu waafaqsanaado kan Puntland maadaama “Puntland tahay horseedka federaaleynta Soomaaliya.”
Madaxweyne Deni wuxuu isticmaalay fasiraaddaas aan saxnayn markuu ku dooday in Puntland si dal gaar ah u dhaqmi doonto bartamihii sanadkii 2023. Go’aammada Puntland gaartay waxay sababeen in Puntland weysay kabistii miisaaniyadda waayo ma soo sheegto daqliyada soo gala, sida Guddiga Maamulka Maaliyadda Soomaaliya uu farayo. Deni wuxuu dhowr jeer ka hadlay in dakhliga ka soo gala maraakiibta sidata shati kalluumeysiga Garoowe laga bixiyay uu ugu dhaco jeebabka dad gaar ah. Arrintan waxay fursado siisay dadka ku dooda in weli Al-shabaab awood badan ku leedahay Puntland, dadkaas oo uu mid yahay Xuseen Sheekh Macallin, la-taliyihii Amniga Qaranka ee Soomaaliya u ahaa Madaxweyne Xsan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo. Xuseen wuxuu dhowaan waraysi siiyay kanaalka Dawan.
Intaas waxaa dheer inuu ku dooday in “Somaliland raacan karto danaheeda.” Goorma ayuu Madaxweyne Puntland goosasho taageeri jiray, oo goorma ayay goosasho-doonku fasax siyaasadeed ka codsan jireen Puntland? Faroole wuxuu taageeray mowqifka Deni, inkastoo uu yahay odayga dhanka siyaasadda ugu da’weyn Hartiga. Waxaa sii rumoobaya hadalkii Ra’iisal Wasaaririhii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharkmaarke oo sheegay in Garoowe noqon weysay meel sida Muqdisho ama Hargeysa aragti siyaasadeed oo midaysan ay taallo.
Sanadkii1993kii markii uu socday u diyaargarowgii wadahadalladii heshiiskii, Cabdullaahi Yusuuf, ahaa Guddoomiyaha Xaaladda Degdegga ee SSDF, wuxuu la kulmay diidmo badan oo kaga imanaysay dad aan dagaalka wax ku biirinin dhanka difaaca, garanaynin saameynta colaaddu ku yeelatay Mudug. Wuxuu dadkii durbaanka colaadda tumayay xusuusiyay dagaalkii qoob-ka-ciyaar: “Allow reer … maxaad gole ku ceebowdeen.” Cabdullaahi yuusuf wuxuu ahaa hoggaamiye ka soo qeybgalay dagaallo dhacay muddo soddon sano ah laga billaabo dagaalkii 1964 oo uu billad ku qaatay iyo Dagaalkii Qaboobaa oo sababy in uu 6 sano ku xirnaa xabsigii Alem Bekagn (oo Soomaalidu taqaanno Alam Baqa, macnahiisuna yahay Dunida nabadgelyee). Puntland wxay noqotay maamul lagu lunsado hantida dadweynaha.
Dhaliilaha Daa’uud Bisinle soo jeediyay ma dhaafsiisna “wax aad og tahay ma kuu sheegaa.” Deni waxuu dhowaan weeraray siyaasadda Koonfur Galbeed isagoo og in dhibaatada ugu weyn ay tahay Xildhibaanno iyo Senetarro maamulka goosasho-doonka metela oo si buuxda ugu codeeyay wax ka beddelka dastuurka heer federaal. Markii Deni xiriirka u jaray dowladda federaalka seddex sano ka hor wuxuu ku dooday inuu madasha ku soo noqon doono haddii Maamulka Somaliland ka mid noqdo Madasha Wadatashiga Qaran. Kala-jabka siyaasadeed ee Hartigu waa astaanka fashilka habka federaalka uu Cabdullaahi Yuusuf keenay markii uu ka faa’iidaystay burburkiii shirkii Qaahira sanadkii 1997, sanad kaddibna uu noqday madaxweynihii kowaad ee Puntland. Dib u dhaca ugu weyn wuxuu Puntland soo gaaray markii Madaxweynne Deni keligiis xushay Xildhibbaanada iyo Senetarrada heer Federaal ee Puntland ka hor doorashadii dhacday 15kii Maajo 2022.
© Puntland Post, 2026