Guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali (Jifo-jabsade) ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey in uu hubeeyay ciidamo beeleed wax u dhimaya amniga deegaannada Puntland.
Guddoomiye Jifo-jabsade oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa yiri “Xasan wuxuu diiday mushaarkii iyo mashaariicdii ciidamada ammaanka Puntland ee Daraawiishta iyo Booliska, wuxuuna nagu hubeeyay ciidamo beeleedyo uu doonayo in uu nagu burburiyo”.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha in uu hor-istaagay maashriicdii loogu talagalay Puntland, gaar ahaan mashruucii dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Bacaadweyn.
Guddoomiye Jifo-jabsade waxa uu sidoo kale ka hadlay dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ku tilmaamay shaati uu toshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST