
Iiraan ayaa gubtay markab kuwa xamuulka ah oo ku gooshayay calanka Thailand, kaas oo marayay marin biyoodka Hormuz.
Markabka oo lagu magacaabo Mayuree Naree Bangkok waxaa lagu dhuftay wax la rumeysan yahay in uu yahay gantaal ama walax qarax leh oo aan la garanayn.
Markabka oo ka soo shiraacday Imaaraadka ayaa shaqaalihii saarnaa laga badbaadiyay, sida ay sheegtay hay’adda kormeerka maraakiibta ee UKMTO.
Iiraan ayaa hore uga digtay maraakiibta in aysan soo dhaafin marin biyoodka Hormuz oo ay maraan qiyaastii 20% shidaalka iyo gaaska adduunka, taas oo dhalisay cabsi weyn oo dhanka ammaanka ah.
Dagaalka ka socda Bariga Dhexe ayaa galay maalintii 12-aad, iyada oo Iiraan ay weerartay Israa’iil iyo waddamada Khaliijka, halka Israa’iil ay beegsatay Iiraan iyo Lubnaan.
PUNTLAND POST